Home Wararka Maanta Aqalka Sare oo cod u qaaday Miisaaniyadda 2018-ka

Aqalka Sare oo cod u qaaday Miisaaniyadda 2018-ka

870

Aqalka sare ayaa kulankiisa maanta ogolaaday in uu madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo saxiixo miisaaniyadda 2018-ka.

Golaha aqalka sare ayaa u codeeyay in madaxweynuhu saxiixo miisaaniyadda qaranka 2018 iyada oo la tixgelinayo xaaladda dalku uu marayo awgeed.

Dhammaan codadkii la qaaday waa ogolaadeen in kasta oo Xildhibaannada qaar ay weli dood ka qabeen hadana guddoonka codsigiisa ayey tixgeliyeen.

Miisaaniyaddan qaran ee 2018-ka ayaa horay waxaa u ansaxiyay golaha wasiirada ee xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya iyo waliba golaha shacabka.