Aqalka Sare oo ansaxiyay Sharciga Isgaarsiinta

775

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Goor dhow Ansixisay Sharciga Isgaarsiinta dalka oo maalmihii lasoo dhaafay horyaallay.

kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xaadiray Xildhibaano dhan 40 Mudane.

39 Mudane ayaa ogolaatay Sharciga Isgaarsiinta dalka , waxaana ka aamusay hal mudane.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa horay u ansixiyay Sharciga isgaarsiinta oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta.

SHARE