Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in warqada ka soo baxday xaafiiska madaxtooyada Soomaaliya ee Madaxweynahu markale casuumaad ugu fididyay madaxda dowlad goboleedyada aysan kalsooni badan ku qabin.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay kaddib shir jaraa’id uu qabtay in warqada xaafiiska Madaxweynaha ka soo baxday uusan Aqalka Sare ku kalsoonan Karin maadama uu yiri aysan lahayn wax protocol/ Sumad ah ama saxiix caddeynaya in Madaxweynaha ay ka soo baxday.
Waxa uu sheegay in warqada qof saddexaad qoray oo uusan Madaxweynaha toos uga soo bixin sida uu hadalka u dhigay.
”warqad baa soo baxday la leeyahay Madaxtooyada ayay ka soo baxday, warqadu waa mid qof saddexaad hadlayo, Madaxweynihii ma hadlaayo, haddii aad akhrisana waa warqad Madaxweynihii baa sidaas yiri la leeyahay, sumad ay leedahay ma jirto, saxiix ay leedahayna ma jirto, warqadaas kalsooni ma ku qabi karnaa oo ma noqon kartaa warqad Madaxweynuhu soo diray oo ka soo baxday” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqad ka soo baxday xalay xaafiiska waxa mar labaad uu shir wadatashi uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in wixii tabasho ay diyaar u tahay in ka garaawdo sidoo kalena wadatashi iyo isu tanaasul lagu xalin karo arrimaha jira.
Dowlad goboleedyada dalka ayaa bishii hore ku dhawaaqay in ay hakiyeen washaqayntii kala dhexeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.