Aqalka Kongareeska Mareykanka oo ansixiyay guushii doorashada Biden iyo ku xigeenkiisa

508

Golaha Koongareeska Mareykanka ayaa ansixiyay guushii ergada Doorashada ee Joe Biden iyo Kamala Harris oo si rasmi ah uga dhigan in ay noqdaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka xiga ee Mareykanka, ka dib maalin rabshado wata oo mudaaharaad ah oo ka dhacay xarunta Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill, taasoo dhigeen dadka caraysan oo taageersan Madaxweybe Trump.

Ansixitaan waxay dhameystireysaa hannaanka doorashada Mareykanka ee 2020, waxayna hubineysaa in Biden iyo Harris la caleemo saari doono Janaayo 20, in kasta oo Trump uu toddobaadyo qaatay dadaal uu ku doonayay inuu ku laalo codbixinta, oo ay ku jirto inuu ku booriyay taageerayaashiisa inay isugu soo baxaan xarunta Kongareeska Arbacadii, taasoo dhalisay rabshado gudaha iyo bannaanka dhismaha ah.

Trump wuxuu ballanqaaday ‘kala-guur nabdoon’ kadib ansixitan Madaxweynaha la doortay ee Biden Madaxweynaha Mareykanka.

Donald Trump waxa uu sheegay in ay  ” jiri doona kala-guur nidaamsan” ka dib markii Koongarasku soo gabagabeeyay tirinta codadka doorashada ee caddaynaya guusha Biden.

“In kasta oo aan gebi ahaanba ku raacsaneyn natiijada doorashada, xaqiiqooyinkuna ay i muujinayaan, si kastaba ha ahaatee waxaa jiri doona kala-guur nidaamsan 20-ka Janaayo,” ayuu Trump ku yiri hadal uu soo dhigay Twitter-ka afhayeenka Aqalka Cad Dan Scavino.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka iyo ku xigeenkiisa ayaa xafiiska loo dhaarin doonaa 20ka bishaan Jannaayo 2021.