Aqalka cad ayaa sida ay ku warameen warbaahinta qaar ee Maraykanka waxa uu xadiday helitaanka nuqulada qoraala ee wicitaanadii dhanka taleefoonka uu Trump kula yeeshay madaxda adduunka.
Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in qoraaladda wicitaanada qaar oo Madaxweyne Trump uu la yeeshay madaxda adduunka sida Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin iyo dhaxal sugaha Sucuudiga la qariyay oo sida ay tahay aan loo soo gudbin.
Saraakiisha ayaa ku warramay in kaaliyeyaasha Madaxweyne Trump ay qariyeen nuqullo badan oo ay ku qoranyihiin wicitaanadii uu sameeyay Madaxweyne Trump si aan si hoose logu dusin oo aysan bannaanka u imaan.
Aqalka cad ayaa ilaa iyo hadda aan wax jawaab ka bixin sheegashadaan. Xogtaan la qariyay ayaa waxa ay kusoo aaday iyada oo dhawaan ay bilaaban doonto su’aal weydiin sababi karta xil ka xayuubinta Madaxweyne Trump.
Wakiilada xisbiga Dimuqraadiga ah ee Aqalka Congresska ayaa bilaabay baaritaan sababi kara xil ka qaadista Madaxweyne Trump kaddib markii ay bannaanka timid nuqullo wicitaan oo muujiniya Madaxwyne Trump oo Madaxweynaha dalka Ukraine ku cadaadinaya in uu baaro wiilka uu dhalay Joe Biden oo ah musharax ka mid ah kuwa ugu cadcad xisbiga Dimuqraadiga doorashada madaxtinimo ee dalka Maraykanka.
Aqalka cad ayaa Jimcihii xaqiijiyay in nuqulada wicitaan ee Madaxweynaha la galiyay meel aad u adag oo lagu keydiyo xogaha xasaasiga ah.
Sida ay ka soo xigteen warbaahin badan oo Maraykan ah saraakiil sarsare ayaa sheegay in siyaasadda qarinta xogaha muhiimka ah la bilaabay sanad ka hor si looga fogaado in la dusiyo wiciitaanka qaar oo waji gabax iyo ceeb u keenaya Madaxweyne Trump.
Aqalka cad ayaa la sheegay tan iyo wixii ka dambeeyay faafintii wadahadalkii Madaxaweyne Trump iyo Ra’iisul wasaaraha Australia ee sanadkii 2017 in ay bilaabeen in la adkeeyo cidda heli karta nuqulada wicitaanada Madaxweynaha .
Waxa sii xoojiyay in la qariyo nuqulada wicitaan kaddib faafitaankii warbaahintu faafisay wadahadalkii Madaxweyne Trump iyo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka.
Tallaabooyinka haddaba la qaaday waxaa ka mid ah in la yareeyo cidda la siinayo nuquladda wadahadalada Madaxwyenaha.
Waxaa sidoo kale tallaabooyinka ka mid ah in lagu keydiyo meelaha la dhigo siraha culculus oo ku saabsan weerarada qarsoodiga ee Marayknaku dunida ka fuliyo iyo galalka ay ku jiraan sirta laga qoray la socodka dalalka kale.
Nidaamka qaar oo horay loogu keydiyo jirya nuquladaan kuwaas oo ay arki karaan hey’adda amniga qaranka ayaa gabi ahaanba laga saaray si aysan u dhicin wax faafin ah.
Madaxweyne Trump ayaa wajahaya baaritaan ku aadan in uu Madaxweyne dal kale ku cadaadiyay in uu baaritaan ku sameeyo wiil uu dhalay nin ay siyaasadda isku hayaan taas oo keentay in isaga la baaro.
Warbaahinta oo loo dusiyay nuqul qoraal ah ayaa faafisay in Trump uu wiilka Joe Biden ku cadaadiyay Madaxwyenaha Ukraine in uu tallabo ka qaado.Wiilka ayaa ka tirsan maamulka shirkadda gaaska ee dalka Ukraine.