Aqalka Cad oo loogu baaqay in Shaqada laga Eryo Jared Kushner

796

Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga kana tirsan Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ayaa Madaxa Aqalka Cad ugu baaqay inuu shaqada ka eryo wiilka uu Sodiga u yahay madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump Kaasi  oo la yirahdo Jared Kushner.

Jared Kushner ayaa  la taliye sare u ah madaxwaynaha dalka Maraykanka isagoo sidoo kale u qaabilsan gobalka Barriga Dhexe.

Xildhibaanada Congress-ka dalka Maraykanka kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo Aqalka Cad baaqa u daray ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa Ku dhowaad 30 sano.

Warqad ayay xildhibaanadan u qoreen General Kelly oo ah agaasimaha Aqalka Cad inuu xilka ka qaado Jared Kushner  haddii uu si dhaqsi ah isku casili waayo.

Arintan ayaa waxaa ay u sababeeyeen in Jared Kushner uu yahay nin danaha Qaranka ka hormarinaya  danaha Shaqsiyaddiisa.