Antonio Guterres: Hala joojiyo Cadaabka ka socda Bariga Ghouta

911

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa maanta Isniin ah Ku baaqay dhaqan galinta qaraarkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa in dalka Suuriya lava dhaqan galiyo xabad joojin muddo 30 maalmood ah.

Antonio Guterres, oo ka hadlayay dalka Switzerland ayaa waxaa uu Ku tilmaamay duqaymaha ka socda barriga Ghouta inay yihiin Cadaabka Adduunka.

Waxaa uu Ku baaqay in at muhiim tahay dhaqan galinta xabd Joojinta isagoo tilmaamay in LA dagaalanka argagaxisada aan fursad dad u siinaynin in la laayo dadka masaakiinta ah ee aan hubaysnayn.

Tan iyo ansaxintii qaraarkii golaha ammaanka ee qaramada midoobay diyaaradaha dagaalka dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaan howl galkooda galin wax hakin ah ayagoo halkoodii kasii wada gummaadka dadka shacabka ah ee ku nool goobaha ay ka arrimiyaan kooxaha mucaaradka waliba magaalooyinka Ku dhow dhow caasimadda dalka Suuriya ee Dimashaq.

Tan iyo waabarigii maanta oo Isniin ah waxaa la dilay 16 qof oo ka mid ahaa dadka Ku nool barriga Ghouta.

Shalay waxaa la dilay 27 qof oo shacab ah sida ay Ku Waramayso warbaahinta Caalamiga ah.

Muddo Ku dhow hal isbuuc ayaa Ruushka iyo dowladda Suuriya waxaa ay duqayn Ku dileen Ku dhowaad 500 oo shacab ah.