Ankara: Ruushka, Iiraan iyo Turkiga oo ka shiray arrimaha Suuriya (Sawiro)

1758
Vladimir Putin Madaxwaynaha Ruushka (Middig) Recep Tayyip Erdogan Madaxwaynaha Turkiga (Dhexda) Xasan Rouxani Madaxwaynaha Iiraan (Biddix) Arbaco April 4, 2018 (Xuquuqda Sawirka Madaxtooyada dalka Turkiga)

Madaxwaynayaasha dalalka Ruushka, Iiraan iyo Turkiga ayaa maanta waxaa ay Ku shireen magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Madaxwaynaha dalka Turkiga,Recep Tayyip Erdogan, Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxwaynaha dalka Iiraan Xasan Rouxani ayaa kulankooda waxaa ay kaga arinsadeen xaaladda dalka Suuriya.

Shirkan oo ahaa mid daba socday shirar hore oo madaxdaan ay yeesheen ayaa waxaa looga hadlayay dagaalada Malaayiin dadka reer Suuriya aafeeyay oo wali ka socda dalkaasi.

Warsaxaafadeed madaxdan ay si wada jir ah u soo saareen shirka 3 geesoodka ahaa ayaa waxaa lagu sheegay in dalalka Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ay isla go’aansadeen in Xabad joojin waarta laga hergaliyo dalka Suuriya.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo shirka ka dib warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in Ruushka iyo Turkiga  ay cisbitaal ka dhisi doonaan bariga Ghouta oo dagaallo iyo duqaymo lagu hoobtay ay ka taagan yihiin.

“Ciidamada dowladda Turkiga oo kaashanaya kuwa Ruushka waxaa ay xarumo caafimaad ka hergalin doonaan bariga Ghouta” Erdoğan oo warbaahinta la hadlayay isagoo oo ay garab taagnaayeen madaxwaynayaasha  Ruushka iyo Iiraan ayaa sidaasi sheegay.

Saddexdan dowladood waa Ruushka, Iiraan iyo Turkigee waxaa ay Ku lug leeyihiin colaadda dalka Suuriya.

Iiraan iyo Ruushka ayaa si toos ah u taageera dowladda Suuriya halka Turkiga markii hore uu taageeri jiray kooxda hubaysan ee Ciidamada Xurta ah (Free Syrian army) kuwaasi oo dagaal sanado badan kula jiray dowladda Bishaar al-Asad.

Turkiga ayaa markan isaga oo adeegsanaya isla ciidamada Xurta ah ee Suuriya waxaa uu dagaal kula jiraa kooxda YPG ee ka arimisa gobalada xadka la leh Turkiga.