Amniga caasimadda Soomaaliya ee muqdisho ayaa lagu wareejiyay guutada 14ka Oktober oo ka tirsan miltariga Soomaaliya.
Ka gadaal kulan dhexmaray madaxweynaha iyo guutada 14ka Oktober , waxaa maadxweynuhu uu amray in ciidamada militariga gaar ahaan guutada 14ka Oktober ay la wareegaan amniga caasimadda Muqdisho.
Ciidaankaan ayaa durbaba la wareegay marinada laga soo galo magaalada Muqdisho sida Siinka Dheer, Maslax, iyo Galgalato.Baraha kale ee haray sida gudaha magaalada ayaa lagu wadaa in ay la wareegaan maalmaha soo socda.
Ciidankii horay u sugi jiray amniga caasimadda ee xasilinta ayaa lagu xareeyay xerada Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Isbadalka lagu sameeyay ciidanka ayaa yimid kaddib markii ay dhaceen dhawr weerar oo lala beegsaday goobo muhiim ah sida wasaaradda arrimaha gudaha.