Amisom oo sheegtay in aysan qayb ka ahayn xariggii Roobow

668

Muqdisho (UM) – Hawgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn xariggii Mukhtaar Roobow oo Khamiistii dowladdu magaalada Baydhabo ka soo xirtay.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ciidamada nabad ilaalinta Amisom Ambassador Francisco Madeira ayaa inuu si dhaw u la socday xaaladaha ka soo kordhay magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya taasi oo ka dhalatay xarigga Mukhtaar Roobow.

Ambassador Madeira ayaa sheegay in Amisom iyo saaxiibadda kale aysan wax shaqo ah ama lug ah aysan ku lahayn xarigga Roobow iyo u soo qaadistii magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska wakiilka gaar ah ee Midowga Afrika ahna madaxa ciidamada Amisom ee Soomaaliya Fransisco Madeira ayaa lagu sheegay in AMISOM waxay sii wadi doontaa aqoonsiga iyo ixtiraamka madaxbanaanida dadka iyo dowladeq Soomaaliyeed, waxayna ku celineysaa go’aankeeda ah in ay si daacad ah oo dhexdhexaanimo ah u sii socoto fulinta waajibaadkeeda dalka.

Amisom waxa ay sidoo kale tacsi u dirtay dadkii ku dhintay rabshadiihii ka dhacay magaalada Baydhabo Khamiistii iyo shalay waxana cafimaad u rajaysay inta waxyeeladu ka soo gaartay.

Qoraalka soo baxay Midowga Afrika ayaa imanaya iyadoo shalay Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la magac baxay ‘badbaado’ qaran kuwaasi oo u badan Xildhibaannada mucaraadka ay waraaq cabasho u qoreen wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika taasi oo sheegeen in Amisom caddeyso kaalinta ay ku lahayd xariga Mukhtaar Roobow.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ka soo xirtay magaalad Baydhabo Mukhtaar Roobow kaddibna ka soo dejisay magaalada Muqdisho, xariggiisa ayaa waxa ka dhashay dibadbaxyo rabshada wata oo sababay in ay isku dhacaan taageerayaashiisa iyo ciidamada amniga.

Rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow ayaa sabab khasaaro dhimasho iyo dhawaacba leh iyadoo magaalada ay aad u saamaysay.