Amiirka boqortooyada Britain amiir William ayaa muujiyay rajada uu ka qabo “nabad waarta oo ay wada gaaraan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil xilli uu booqanayo daanta galbeed.
Amiir William ayaa hadalkan jeeday ka hor inta uu wadahadalo kula yeelan madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbas magaalada Ramallah.
Amiir William ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo ka tirsan qoyska boqortooyada oo booqasho rasmi ah ku taga dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Dhanka Israa’iil maalintii Talaadada ayaa madaxwayne Reuven Rivlin uu ugu baaqay “in fariin nabadeed uu u geeyo ” Mr Cabbas.
Mr Cabbas ayaa u sheegay amiir William “in Falastiiniyiinta ay ka go’antahay geedi socod nabdeed oo ay la galaan Israa’iiliyiinta”.
Amiir William ayaa yiri: “aad ayaan u doonayaa in aan maanta la kulmo qaar ka mid ah dadka Falastiiniyiinta aana arko dhaqankooda iyo kala duwanaashiyahooda.
Amiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay xiriirka dhaw ee u dhaxeeya Falastiiiniyiinta iyo dalkiisa.
Amiir William ayaa booqashadiisa bariga dhexe ka bilaabay dalka Urdun axaddii.
Xigasho: BBC