Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay garsoore Amy Coney Barrett oo noqonaysa Garsooraha Maxkamada Sare ee Mareykanka taasoo ah guul wayn u ah Madaxweyne Donald Trump toddobaad ka hor doorashada guud ee Mareykanka.
Mr Trump saaxiibadiisa xisbiga Jamhuuriga waxay u codeeyeen 52-48 in la ansixiyo garsooraha, iyadoo laga adkaaday mucaaradka mideysan ee xisbiga Dimuqraadiga.
Amy Coney Barret oo 48 jir ah ayaa lagu dhaariyay xafiiska Aqalka Cad iyadoo Madaxweyne Trump garab taagan yahay. Waxa ay beddelaysa garsoore Ruth Bader Ginsburg oo geeriyootay 18 September ee sanadkaan.
Mid ka mid ah xisbiga Jamhuuriga, Senator Susan Collins, oo wajaheysa loollan adag oo dib-u-doorashada ah ee Maine, ayaa ka codeeyay garsoore Amy Coney Barret codeyntii fiidnimadii Isniinta.
Garsooraha cusub ayaa ah tii seddexaad ee uu magacaabo madaxweyne Trump, kadib Neil Gorsuch ee 2017 iyo Brett Kavanaugh 2018.
Magacaabisteeda ayaa muran iyo dood badan ka dhexdhilisay labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga iyadoo Madaxweyne Trump lagu dhaliilay inuu isaga oo waqti yar haysta oo olole doorasho ku jira uu magacaabay garsoore Amy Coney Barret.
Madaxweyne Trump, ayaa ka soo laabtay ololihiisii gobolka Pennsylvania, wuxuu gudoomiyay xafladii dhaarinta Justice Barrett habeenimadii Isniinta.
Mr Trump wuxuu yiri: “Tani waa maalin qiimo weyn ugu fadhida Mareykanka, dastuurka Mareykanka iyo ku dhaqanka sharciga cadaalad iyo eex la’aan.” Wuxuu intaas ku daray: “Waa mid ka mid ah aqoonyahannada ugu aqoonta badan qarankeena waxayna samayn doontaa cadaalad aad u sareysa maxkamada ugu sareysa dhulkeena.”
Garsooraha maxkamada sare Clarence Thomas, oo muxaafid ah, ayaa dhaariyay garsooraha cusub.
Garsoore Barrett ayaa intaas kadib tiri: “Xaakimku wuxuu ku dhawaaqayaa madaxbanaanida kaliya maahan Congresska iyo madaxweynaha, laakiin sidoo kale wuxuu kahadlaa caqiidooyinka gaarka ah ee laga yaabo inay si kale u dhaqaajiyaan.
“Dhaarta garsoorku waxay haysaa nuxurka waajibaadka garsoor: sarreynta sharciga waa inay marwalba xakameysaa”.
Xaflada ayaa ka dhacday barxada koonfureed ee Aqalka Cad, bil kadib munaasabad tan lamid ah oo lagu soo bandhigayay Garsoore Barrett maadaama dadkii ka qeybgalay waqtigaas la xiriiray inuu ku dhacay cudurka ‘Covid-19’ oo uu ku xigay madaxwaynaha laftiisa oo laga helay cudurka.
Dimuqraadiyiintu waxay ku doodeen toddobaadyo inay tahay inay ku xirnaato cidda ku guuleysata doorashada 3da Nofeembar si ay u soo xusho qofka loo dooranayo jagada Maxkamadda Sare.
Doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa dhacaysa 3da bisha November ee ku beegan Tallaadada soo socota.