Kooxda Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq, xukunkaas dilka ah oo ka dhacay meel fagaare ah oo ku yaalo degaanka Saakoow ayay kooxda Alshbaab ku amreen dadweyne isugu jira caruur, haween iyo wayeel ee ku dhaqan deegaankaasi inay isku soo baxaan si ay u dawadaan xukunka dilka ah ee lagu fuliyey haweynaadaasi oo ifka uga tagtay 10 (toban) caruur ah.
Maxamed Abdu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha kooxda Al-Shabaab ee gobolka Jubooyinka ayaa ka sheegay goobta in Xabiibo iyadoo xaas la qabo ah guursatay nin kale iyadoo uu sheegay inay sidaas ku muteysatay in dhagax lagu dilo.
Cali Ibraahim oo ah ninka qabay Xabiibo isla markaasna ay 10 ilmood isku dhaleen ayaa dacwad iyada ka dhan ah u gudbiyay Maxkamadda Al Shabaab isagoo ku eedeeyay xaaskiisa inay guursatay nin kale. Wuxuu ku sheegtay inay xaskiisu qiyaameysay una sheegtay inay qaraabo salaan u tagayso Caasimadda Muqdisho balse ay nin kale ku guursatay degaanka lagu magacaabo Hagar oo u dhaw degamadda Saakow ee gobolka Jubadda dhexe.
Inta badan AlShabaab ayaa degaanadda ay maamusho ku fulisa xukuno dil ah iyo Ciqaab kala duwan oo ay ku fuliso dadka ay dambiyadda ku soo oogto sida xatooyo, basaasnimo, murtadnimo iyo gogol dhaaf.