Waxaa goor dhaw lagu dilay meel aan ka fogeyn xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho Almas Elman oo aheyd Diblumaasi hore iyo mid kamid ah gabdhaha u ololeeya arrimaha haweenka ee ugu caansan Soomaaliya.
Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan, waxa ay u geeriyootay dhaawac daran oo ka soo gaaray rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhacday, taasoo aan wali la shaacin cida soo riday iyo halka ay ka timid, waxaana xiliga toogashadeeda ay dhaceysay ku sugneyd gudaha xerada xalane ee Muqdisho.
Siciid Fadhaaye oo kamid ah Suufiyiinta u shaqeysa Warbaahinta Caalamiga ah oo ay xiliga la tooganayay wada socdeen marxuumada ayaa bartiisa Facebook ku soo daabacay geerida Almaas Elman, isagoo qiray inuu weerarka ka badbaaday.
“Alxamdulilaah waan nabad qabaa kaddib weerar nalagu soo qaadday aniga iyo walaasheey Almaas Elman. Almaas dhabtayda ayeey ku geeriyootay. Rabbi ha u naxariisto” ayuu yiri Siciid Fadhaaye.
Laamaha amaanka ee dowladda iyo kuwa shisheeye ayaa durba bilaabay baaritaanada halka ay ka timid rasaasta lagu dilay gabadhan dhalinyarada eheyd, iyadoo durba ay shaki dhaliyeen amaanka goobta oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah safaaradaha ugu waaweyn ee wadamada caalamka.
Almaas Elman Axmed Cali waxey kasoo mid ahayd howladeenadda safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya. Sanadihii u dambeeyay waxay u xuub-siibatay dhanka ololaha xuquuqda haweenka.
Waxaa dhalay marxuum Elman cali Axmed diley oo isaguna magaalada Muqdisho lagu dilay sanadkii 1996dii, isagoo ka shaqeyn jiray arrimaha Nabada iyo xuquuqul insaanka.