
Wararka laga helayo dalka Algeria, (Jazaa’ir) ayaa waxaa ay sheegayaan in in ka badan 275 qof ay geeriyoodeen ka dib markii ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Ilyushin Il-76, ayaa la sheegay in ay ku burburtay meel u dhow garoonka Boufarik, oo Ku yaala meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Algiers, sidaa waxaa Ku waramay Television-ka Qaranka dalkaasi.
Television-ka Qaranka Algeria, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dadka burburka diyaaradeed Ku dhintay tiradooda ay gaarayso 275 qof.
Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi Algeria, ayaa laga soo xigtay inay sheegtay in dadka burburka diyaaradeed Ku geeriyooday ay Ku jiraan 247 qof oo rakaabka diyaaradda ahaa iyo 10 shaqaalaha diyaaradda ahaa.
TV-ga la yirahdo Ennahar, oo soo xiganaya ilo Ku dhow dhow xisbiga talada haya ayaa waxaa uu Ku waramay in 26 qof oo dadka diyaaradda saarnaa ka mid ahaa ay ka tirsanaayeen Polisario Front.
Polisario Front waa dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah oo ka jira Saharaha Galbeed West Sahara) dhulkaasi oo Morocco ay sheegato.
Warbaahinta Algerie24 ayaa Ku sheegaysa in diyaaradda burburtay ay kusii jeeday magaalada Becher ee dalka Algeria.
https://twitter.com/Alg24net/status/983983300279709701?s=19
Madaxwaynaha dalka Algeria Cabdul casiis Butufliqa ayaa wax laga naxo Ku tilmaamay musiibadan isagoo sidoo kale tacsiyo u diray qoysaska qaraabadooda iyo ehelkooda Ku waayay shilka maanta dhacay.
Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron, ayaa sidoo kale musiibadan ka tacsiyeeyay.
Waxaa sidoo kale burburka diyaaradeed ee dalka badani Ku dhinteen madaxwaynaha dalka Algeria uga soo tacsiyeeyay madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.
Wax-yaabaha sababay burburkan diyaaradeed ayaan si rasmi ah loo ogayn hase ahaatee waxaa lagu waramayaa in la furay baaritaano lagu doonayo in lagu ogaaday sababta rasmiga ah ee shilkan ka dambaysay.
Diyaaradda ayaa burburtay wax yar un ka dib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Boufarik ee magaalada Algiers, ee caasimadda dalka Algeria.
Burburkan diyaaradeed ayaa waxaa uu tahay kii ugu xumaa ee waayahan ka dhaca dalka Algeria.
Sanadkii 2013-kii in ka badan 102 ruux ayaa geeriyootay ka dib markii ay burburtay diyaarad ay lahayd shirkadda Air Algerie ee dalkaasi.