Al- Shabaab oo siidaysay Dhaqaatiir Kuubba u dhalatay oo laga soo qafaashay Kenya

203

Labo dhaqtar oo u dhalatay dalka Kuubba oo laga soo afduubtay dalka Kenya muddo sanadna ah lagu hayay gudaha Soomaaliya ayaa la sii daayay kaddib bilo wada-xaajood ah.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kuubba Bruno Rodriguez ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab ay dhammaadkii todobaadkii hore sii daayeen Landy Rodrguez oo dhaqtar qalliin ah iyo Herere Correa oo dhaqtar caafimaadka guud ah oo labaduba gacantooda ku jiray.

“Waxaan wadahadal dhanka khadka taleefoonka la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxaan uga mahadceliyay taageerada iyo dadaalka dowladiisa ay ku bixisay nabadgalyada iyo badqab kusoo noqoshada dhaqaatiirteenna. Waxaan ka wadahadalnay sida aan u xoojin karno xiriirka labadeena dal” Wasiirka arrimaha dibadda Kuubba ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Labadaan dhaqtar ayaa laga afduubtay Gobolka Waqooyi berri ee Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera waxaa lagu hayay Soomaaliya.

SHARE