Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhisme ku yaala Nairobi

690

Weeraro iyo qaraxyo toos ah ayaa laga maqlay dhisme ku yaala bartamaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sida wararku ay sheegayaan kooxo hubeysan ayaa weerar toos ah ku qaaday Dhisme Hotel oo ku yaalla wadada 14 Riverside oo ku taala xaafadda Westlands ee bartamaha magaalada Nairobi.

Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in Laamaha amniga si deg deg ah uga jawaabeen dhacdada, waxaana durbadiiba xirnay ayuu yiri goobta. Isaga oo intaa ku daray in ay maareeyeen xaaladda

Taliyaha ayaa yiri “Laamaha amniga iyo xaaladaha deg degga ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhacdada, waxaana durbadiiba xirnay goobta. Waan maareynay xaaladda, waxaana dad badan kasoo daad gureynay dhismaha. Howlgakana weli waa uu socdaa”

Weerarkaani ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimash iyo dhaawacba leh, laakiin wali lama sheegin tiro rasmi ah oo la xiriira dadka wax ku noqday weerarkan.

Hotelka la weeraray ayaa la sheegay inuu yahay mid xarun u ah hay’adaha caalamiga ah isla markaana shirar badan ay marwalba ka dhacaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkan iyaga oo sheegay in dabley ka tirsan dagaalyahannadooda gudaha u galleen dhismaha.