Akhriso: Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Golihiisa Wasiirada

94
Golaha dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble. Sawirka/OPM

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ku dhawaaqay Golihiisa wasiiradda cusub xalay. Wasiiradda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta badan ka mid ahaa Xukuumaddii Ra’iisul wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre.

Inta badan waxaa dib loo soo magacaabay wasiirada Xukuumaddii hore iyadoo tiro aan badnayn oo cusub ay ka mid noqdeen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiiradda dib ugu soo laabtay Wasaaradahooda dib loogu soo magacaabay waxaa ka mid ah, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Wasiirka Arrimaha dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Caafimaadka Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirada Dastuurka, Gaaddiidka iyo duulista hawada.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxay wasiira aad caan uga ahaa Xukuumaddii Kheyre kuwaasi oo aan ka soo muuqan magacaabista cusub ee xalay lagu dhawaaqay.

Wasiiradda xilalkoodii waayay waxaa ka mid ah, Wasiirkii Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirkii Warfaafinta Maxamad Cabdi Xayir Maareeye.

Halkaan hoose ka akhriso Liiska Wasiiradda cusub ee xalay lagu dhawaaqay:

SHARE