Akhriso: Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Uhuru

67

Nairobi – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah kula yeeshay magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru kenyatta Kenyatta waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab, sida lagu xusay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in Soomaaliya iyo Kenya is afgarteen in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas.

SHARE