Akhriso: Maanso Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu ka tiriyay Qaraxii Zoobe

7053

Baroor-Diiq

Dr. Abdirahman Beileh
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya
October, 19, 2017

“Baroor-diiqdu maydka waa ka badhe,
Bagaanad is lahayn biyaan qubay” Waa codkii quruxda badnnaa ee Xaliima Khaliif Magool (AHN).

Waxa aan baroor-diiq iyo tacsi tiiraanyeysan u dirayaa ummadda Soomaaliyeed, madaxdeeda iyo shacabkeeda, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen boqollaalkii Soomaaliyeed, ee xaq darrada, loogu xasuuqay dagaalkii u dambbeyey ee Muqdisho lagu soo qaaday. Alle, SWT, naxariistiisa ha ugu deeqo boqollaalka geeriyooday, kuwa dhawaca ahna illaahay ha caafiyo.

Waxa xusid mudan, oo aan marnnaba la illoobi-karin dawladaha iyo hay’adaha innoo soo gurmaday ee hiil iyo hooba innoogu deeqay. Ma illaawi doonno!

Falka foosha xun ee maalintii Sabtidii, October 14 keedii, 2017 ka, ka dhacay Magaalo madxada dalka, Muqdisho, waa in aan wax inna baraa, wax inna tusaa, waan hurudnnaaye inna gilgilaa, inna baraarijiyaa oo innaga fikirsiiyaa. Dagaalka dalkan iyo dadkiisa lagu hayo, haddii aynaan isku-duubnni wax kaga qaban, haddaan is-xoraynweyno, taariikh madow, oo aan kollaba cafis lahayn ayaa inna hortaalla. Jiilalka soo socdaana innooma dembbi-dhaafi doonaan. Xakama ku ruuga!

Carruurta iyo dumarka Zoobe ku le’day maxay galabsadeen? Maxay geysteen! Maxay cid u dhimeen oo aan ahayn in ay nolol-maalmeedkooda raacanayeen. Tan miyey filayeen? In maalintaas dhulku la geddoomayo, miyey filayeen? Waa maya!

Somaaliyeey! qosol nooma yaallo, hurddo nooma taallo. Armaabay habboontahay in aan iska wareysanno Maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd “ Mas madaxaa laga dilaa”! Sidaad doonto u qaado oo, maalin walbba deris qadhaadh ayaa la’innoo dhigaa! Waxse ma ku qaadannaa?

Weli waan qosllaynnaa,
qaskaan sii wadnaayoo,
qarbbaan sii jafaynnaa!

Waxa an ku soo gunaanadayaa baroor-diiqdayda, maanso gaaban oo munaasabaddan ku soo baxday.

Maansadii : “Baroor-Diiq” Waa tan:

Cudurkaan qarsanaynno
Qudhunkaan hadhsanaynno
Qadhaadhkaan jalanaynno
Waxaan qiimo lahyn iyo
Qabiilkaan dugsanaynno ee
Qoomeheenna dhantaalay
Qaneecaad darrideenna

Qaraxaa demiwaayey
Waxaa dhiig qulqulaaya
Amma qaylo dalluuntay
Subax noolbba qiyaami
Qalalaase aloogan!
Qalbbigoo na xanuuniyo
Qambbarursiga ciilka
Ilmadaan hoos u qubaynno
Qudhu waa iska ammaanee
Rabbi oon na qisaasin
Qulubaa-geddigeenna
Iyo qiiro la’aanta!

Qunbbuladdii lay nala eegtay
Wixii qiiq is hadheeyey
Maalintaa Ahmed Qaaddiyoow
Dadku wuu qayayaabay
haddaynnaan wax ku qaadan
Quwaddeenniyo xoogga
Haddaynnaan is-qiyaasin
Quluubteenna midaynnin
Qadawgeenniyo buurta
Qabooniyo caweyska
Qacda waaga salaadda
Haddaynnaan isku qayshan

Somali waa isku qoys oo
Isku laan qudha weeyee
Haddaynnaan hubka qaadan
Qandhada inna shidaysiyo
Xanuunkeenna qaboojin

Haddaynnaan qarankeennan
Calankeenna qanddooda ey
Marbba qaawinayaan
Xabaalbbay u qodeenoo
Qiir-qiir bay ku jiraanoo
Qarkay saaranyihiine
Haddynnaan u qabbaanin
Quruxdooda ilaalin

Qaylodhaan na midysa iyo
Heeseheenna qaraami iyo
Ha noolaato u qadin

Harraadka aan ka qabownee
Qabaalkeenna dillaacay
Haddii aan qodbbanweyno

Iga qaado war-moogoow
Sida aan ku qiyaasay
Qaw baa soo dumi doona oo
Qasuumaa dhicidoonta oo
Na qafaalan dhammaan oo
Dalka qaali ku fooftana
Quruumaa degiddoona oo
Dhammaantiin qaan iyo weyl
Qaxootaad ku damabbeyn
Nin walowba ku quuso oo
ku qadh gooso cadduuroow

Yaa Qafuur yaa Raxiimoow
Qawlkaagaan irkannaaye
Allow Qaaf iyo saad iyo
Qul acuudu billaahi
Nagu caymi Qur’aanka
Aammiin ya Rab.

Dr. Abdirahman Beileh