Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose waxaa ka furmay shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,kaas oo ay ahayd in uu shalay furmo hayeeshee dib u dhacay maantana la furay.
Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ilaa hadda jeediyay Khudbado u badnaa dhaliil ay u jeedinayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa yiri: “Soomaaliya waxaan ay u baahantahay isla xisaabtan dhab ah guud ahaan hay’addaha dowladda in la xisaabamo ceebmaahan sidaa awgeed waxaan u baahanahay mid dhab ah oo laga soo bilaabo madaxda ugu sareyso dalka”.
”Dowladda Dhexe ee dalka Xafiisyadeeda kaliya yeeysan ku ekaan caasimadda wax qabadkeeda ha soo gaaro dalka oo idil.”
Madaxweyne Puntland C/Wali Gaas ”Soomaaliya waxaan ay u baahantahay ciidan xoogga dalka oo si rasmi ah u hawlgalana si wanaagsana u tababaran oo aan si gooni ah dano gaar ah loogu qabsan oo ah ciidan qaran”.
“Lacagaha kaalmada Soomaaliya la siiyo waa in la iskula xisaabtamaa halka ay ku baxdo, Waa in si dhab looga galaa isla xibaatan arrimaha la xiriira kheyraadka dalka”.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf: “Shirkii iigu dambeeyay ee dib u heshiisiineed, Dhuusamareeb ayuu ka dhacay, “Dowladda dhexe wax walba oo aan heshiis wada galnay iyo mashaariic wada saxiixnay waxaa ay ka badin waayeen Xaaf ha Baxo”.
“Dowladda Federaalka ah waxaa ay ku mashquulsan tahay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada midkee nugul oo aan hor marinaa?”.
“anaga dowlad Goboleedyada waa in aan hal qof magacabana oo aan nirahnaa afar ku darsada dowladda dhexe kuwaa ayaa noqonaya gudigga adeega garsoorka dalka”
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare: “Madaxda dowladda dhexe waxaa ay u maleeyaan in cidkasta ay iyaga ka waddanisanyihiin, 40 Sano kaddib waxaan halis ugu jirnaa inaan il duuf 2aad galno,maaddaama Kheyraadka iyo Istiraatiijiyadda Soomaaliya lagu tartamayo,waxaana ku jira waddamo deriska ah, kuwo Gobolka ah iyo kuwo Caalami ah”.
“Soomaaliya waa in ay qeexdaa danaheedda qaran waana in aan anaga isku sheegnaa danta aan leenahay oo aan ku badbaadnaa waa in la isla meel dhigaa yaa saaxiib noo ah yaan noo ahayn?”
”Al-Shabaab waa in aan la dagaalanaa oo aan si dhab ah dhammaanteen ula dirirnaa maadama ay maalin walba shacabkeenna gumaadayaan”.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh.Aadan: “Shirkan waxaa uu naga yahay in wax lagu wanaajiyo,waxaan isku warsaneynaa CIC inta ay jirtay maxaa noo qabsoomay,maxaa noo saxmay, maxaana noo dhiman,wixii qabsoomay wey qabsoomeen,wixii dhimanna sida aan u gaari karno,waxaan u baahannahay in waxa dhiman Golaha wasiirrada maamul Goboleedyada in ay iska wareystaan”.
“Al-Shabaab sidii loola dagaallami lahaa waa la isku fahmi la’haye ee ma dhihi karo looma sinna,Umadda dhibaatada lagu hayo sideen uga dhicin karnaa, tabar darro miyaa na heyso?, dhinaca amniga isku aragti ayaa laga noqon la’yahay,shabaabna loogama adkaan karo jidka isbaaro la dhigo, waa in loola dhaqmaa sida ay iyaga u dhaqmaan”.
“Dagaalka Al-shabaab waa la isku hagradaa,dowladda dhexe rasaasta ay heyso waan ognahay,markii hore haddii la dhihi jiray lama hayo hadda oo lahayo maxaa loo bixin la’yahay,dagaalka al-shabaab isku aragti kama nihin dowladda dhexe”.
Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ayaa isaguna Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada u sameynayaan sagootin,maaddaama mardhow uu baneynayo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Shirkan waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada maaddaama madaxweynaha Puntland oo hadda Guddoomiye ka ah uu doorasho gelayo Bisha January ee soo socota.
Xigasho: Mustaqbal Radio