Agaasimiha sirdoonka Mareykanka oo shaqada ka tagaya

644

Agaasimiha Sirdoonka Mareykanka, Dan Coats, ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay ee sumcad sare leh ee iska casila maamulka Trump.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Mr Coats uu shaqada ka degi doono 15-ka bisha Agoosto isla markaana uu u magacaabi doono John Ratcliffe oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka kana soo jeeda Gobolka Texas.

Wuxuu sheegay in Mr Ratcliffe uu shaqa wanaagsan qaban doono.

Mr Coats iyo Mr Trump ayaa inta badan isku khilaafsan arrimaha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Markii uu ahaa agaasimaha sirdoonka qaranka, waxay ahayd doorka Mr Coats inuu kormeero dhammaan 17-ka hey’adood ee sirdoonka Mareykanka, oo ay ku jiraan CIA iyo NSA.

Laakiin muddadii uu xilka hayey, qiimeynta Mr Coats waxay si joogto ah uga soo horjeeday madaxweynaha, kaasoo dhaleeceeyay hey’adaha sirdoonka.

Bishii Janaayo madaxweynaha ayaa ku tilmaamay taliyayaashiisa sirdoonka kuwo aan waxba ogayn qiimeyntooda ku saabsan qatarta Iran

Mr Coats ayaa ah kii ugu dambeeyay ee saraakiisha maamulka Trump ee ka taga Aqalka Cad, xoghayihii hore ee Gaashaandhigga James Mattis iyo Xoghayihii Arimaha Dibada Rex Tillerson, ayaa ka mid ahaa dadkii hore iska casilay Aqalka Cad.