Agaasime cusub oo loo magaacabay Madaxtooyada Soomaaliya

54

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu ka midka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Agaasimaha cusub ee madaxweyne Farmaajo u magacaabay Madaxtooyada ayaa dalka Mareykanka wax ku soo bartay isagoo sidoo kalena hadda ahaa madax mashruuca kaarka aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed. Waxa kale uu sidoo kale ahaa la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka istaraatiijiyada.

SHARE