Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya oo ku sugan dalka faransiiska ayaa la kulmay agaasimaha socdaalka dalka Faransiiska.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa kusimaha safiirka ahna qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Faransiiska iyo mas’uuliyiin kale.
Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi iyo dhigiisa Faransiiska ayaa ka wada hadley iskaashiga dhinaca arrimaha socdaalka, isdhaafsiga khibradaha iyo Baasaboorka Soomaaliya, isaga oo agaasimuhu ku wareejiyey saraakiisha Faransiiska tusaalaha baasaboorka Soomaaliya (Specimen).
Labada dhinac ayaa isla gartey in ay yeeshaan kulamo joogto ah iyo kuwo sanadle ah, islamarkaana la iska kaashado arrimaha la xariira socdaalada iyo jinsiyadda labada dal.