Agaasimaha Aqalka Cad ee Mareykanka oo shaqada ka tagaya

425
John Kelly agaasimaha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xilkaan madadweyne Trump u magacaabay bishii July ee sanadkaan. Sawirka: Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in agaasimihiisa Aqalka Cad John Kelly uu shaqada ka tagi doono dhammaadka sanadkaan.

Waxa jiray warar soo baxayay dhawr maalmood oo sheegayay in Mr Kelly caadis haystay ah inuu shaqada ka tago.

Wararka qaar ayaa sheegayay in xiriirka dhaxeeya Janankaan hawlgab ah iyo madaxweyne Trump uu xumaaday.

Madadeyne Truml ayaa ku tilmaamay Mr Kelly inuu yahay ” qof wanaagsan” isagoo sheegay in qofkii beddeli lahaa uu magacaabayo labada ee soo socota.

Guud ahaan, 28 qof ayaa iska casishay ama shaqada Aqalka Cad intii uu jiray maamulka madaxweyne Trump.

Madaxweyne Donald Trump ayaa yeeshay qofkii saddexaad oo amniga qaranka ah, qofkii kontanaad oo agaasimaha Warfaafinta ah, isagoo dhawaan magacaabaya qofkii saddexaad oo noqanaya agaasimaha Aqalka Cad.

SHARE