Afghanistan: Weeraro lagu laayay askar badan oo ka dhacay Badghis

998
Qiiq badan iyo ciidamada Ammaanka Afghanistan oo goobta qaraxa Ku sugan (Xuquuqda Sawirka AP via Aljazeera English)

Ayadoo xabad joojintii u dhaxaysay dowladda Afghanistan iyo dagaalyahnada kooxda Taalibaan ay dhamaatay waxaa maanta oo Arbaco ah wararka laga helayo dalka Afghanistan ay sheegayaan in  kooxda weerar ay Ku qaaday ciidamada dowladda Afghanistan kaasi oo ka dhacay gobalka Badghis.

Wararka waxaa ay intaasi Ku darayaan in weerarka lagu dilay in ka badan 30 qof oo ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan.

Weerarka waxaa uu ahaa mid dhabo gal ah sida warbaahinta caalamiga ah ay Ku waramayso.

Mudadii xabad joojinta ay ka dhex jirtay dowladda Afghanistan iyo kooxda Taliban waxaa la dilay in ka 50 qof, ka dib weeraro ka dhacay gobalka Nangarhar.