Afghanistan: Qaraxyo laayay dad wariyaal ay ka mid yihiin oo ka dhacay Kabul

798
Qiiq badan iyo ciidamada Ammaanka Afghanistan oo goobta qaraxa Ku sugan (Xuquuqda Sawirka AP via Aljazeera English)

Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu soo waramayaa inay geeriyoodeen Ku dhowaad 49 kalena ay dhawacmeen ka dib markii qaraxyo mataano ahaa ay ka dhaceen magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Weeraradan ayaa dhacay maanta oo Isniin ah, waxaana ay ka dhaceen dhanka Shash Darak, loo yaqaano oo ka tirsan caasimadda Kabul.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah 9 wariye oo ay Ku jireen Saxafiyiin warbaahinta Caalami ah la shaqaynayay.

Madixii Sawirka qaasayaasha wakaaladda wararka AP ee dalka Afghanistan ayaa ka mid ahaa wariyaasha 9-ka ah  ee qarxyada maanta lagu dilay.

Waa wariyaashii ugu tirada badnaa hal maalin oo Kali ah lagu dilo dalka dagaallada qaan gaaray ay ka jiraan ee Afghanistan.

War ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka dalka Afghanistan ayaa lagu xaqiijiyay wasaaraha ka dhashay qaraxyadan.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in 29 qof ay weerarka Ku dhinteen halka 49 kalena ay Ku dhaawacmeen.

Kooxda la baxday dowladda Khilaafada Islaamka Dacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Qaraxyadan ayaa dowladda waxaa ay sheegtay inay ahaayeen kuwo mataano ah islamarkaana ahaa kuwo ismiidaamin ah.

Waxaa ay dhaceen qaraxyadan maalmo in ka dib markii weeraro qaraxyo ah lala beegsaday goob diiwaan galin codaynta doorashada Baarlamaaniga ah ee dalkaasi kuwaasi oo dad badan ay Ku nafwayeen.

Kooxda Taalibaan ayaa iska fogaysay inay ka dambeeyeen weerarka maanta ka dhacay magaalada Kabul.