
Madaxweynaha dalka Afghanistaan Ashraf Ghani ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu sii deeyn doono maxaabiis gaareysa 1500 oo ka tirsan Daalibaan si uu wadada ugu xaaro wadahadllo dhexmara kooxda Daalibaan oo dooneysa in al soo afjaro dagaalka dabada dheeraaday ee Afghanistaan.
Sida ku qoran wareegto ka kooban labo bog oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters uuna saxiixay madaxweyne Ashraf Ghani taas oo si rasmi ah loo shaaacin doono waxaa maxaabiista Daalibaan laga rabaa damaanad qoraal ah oo ah in aysan dib ugu laaban doonin dagaalka.
Wareegtada ayaa lagu soo bandhigay faahfaahin la xiriirta sida maxaabiista loo sii deeyn doono oo ah hab nidaamsan bilaabanaya muddo afar bari gudaheed ah.
Habka lagu deynayo maxaabiis gaareysa 1500 ayaa lagu dhameystri doonaa 15 bari gudaheed iyada oo boqolba maalin la sii deyn doono.
Wadahadalada u dhaxeeya Daalibaan iyo dawladda ayaa la sheegay in ay barbar socon doonaan sideeynta maxaabiista.
Dawladda Afghanistaan ayaa sheegtay in haddii wadajadalada horumar laga sameeyo ay sii deyn doonaan 500 oo maxaabiis labadii isbuuc mar inta dhammaan laga deynayo maxaabiista Daalibaan ee gaareysa shanta kun.
Kooxda Daalibaan ayaa baabuur u dirtay maxaabiistooda iyaga oo dhankooda soo deynaya 100 askari taas oo qayb ka ah heshiiska.