Afghanistan oo bandow habeenkii ah lagu soo rogay

826

Dowladda Afghanistan ayaa bandow ku soo rogtay guud ahaan dalka oo dhan Sabtidii iyadoo isku dayeysa inay ka joojiso Taliban inay soo weeraraan magaalooyinka.

Marka laga reebo caasimadda Kabul iyo laba gobol oo kale, wax dhaqdhaqaaq ah lama oggolaan doono inta u dhexeysa 22:00 ilaa 04:00.

Dagaalka u dhexeeya Taliban iyo ciidamada dowladda Afghanistan ayaa sii xoogaystay labadii bilood ee la soo dhaafay iyadoo ciidamada caalamiga ay ka baxayaan dalkaasi.

Kooxda xagjirka ah waxaa lagu qiyaasaa inay qabsadeen ilaa kala bar dhammaan dhulka.

Waxay si dhakhso leh ugu dhaqaaqday kadib bixitaankii Mareykanka, dib uqabashada xuduudaha iyo dhulka kale ee miyiga ah.

Daalibaan – oo ah maleeshiyo Islaamiyiin xagjir ah oo duulaankii Mareykanku ka tuuray xukunka ku dhowaad 20 sano ka hor – waxay sidoo kale qabsadeen waddooyin muhiim ah iyagoo doonaya inay jaraan waddooyinka sahayda.

Dagaalyahannadeedu waxay ku sii dhawaayeen magaalooyin waaweyn, laakiin weli ma aysan awoodin inay qabsadaan.

“Si loo xakameeyo rabshadaha loona xadido dhaqdhaqaaqa Daalibaan ayaa bandow habeenkii ah lagu soo rogay 31 gobol,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan iyadoo intaas ku dartay in Kabul, Panjshir iyo Nangarhar laga dhaafay bandowga.

Iyadoo kooxda Taliban ay kusii siqeyso, iska hor’imaadyo ba’an ayaa toddobaadkan ka dhacay duleedka magaalada Kandahar.

Jawaab ahaan, Mareykanku wuxuu bilaabay duqeymo ka dhan ah fariisimaha mintidiinta ee aagga maalintii Khamiista. Laakiin hawlgallada Mareykanka ee Afgaanistaan si rasmi ah ayey ku egyihiin 31 Ogosto, waxaa jira walaac laga qabo bilaha soo socda.