Qaraxyo dhawr ah oo ka dhacay barriga magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeeen 36 kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Ugu yaraan saddex qarax ayaa laga maqlay dhisme ay leedahay wasaaradda Maaliyadda Afghanistan sida u sheegay wakaallada wararka ee Reuters Afhayeenka u hadlay Guddoomiyaha Gobolka Nangarhar.
Qaraxyada kaddib ayaa waxaa rasaas culus is dhaafsaday ciidamada amaanka Afghanistan iyo raggii weerarka soo qaaday, sidda ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Warka ayaa sheegaya in albaabka hore ee laga galo dhismaha la weerar markii hore qof isku qarxiyay, taasi oo u sahashay ragga hubaysan in ay gudaha u galaan dhismaha, sida ay ku warantay wakalaada wararka Reuters.
Ma jirto cid sheegatay weerarka balse inta badan kooxdala baxday Khilaafka Islaamka ama Daacish iyo ururka Taaliban ayaa wayadaan bartilmaameedsanayay dowladda iyo goobaha rayidka.