Afghanistan: 31 qof oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah

810

Wararka laga helayo magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa waxaa ay sheegayaan in magaaladassi maanta oo Axad ah ay gilgileen qaraxyo waa wayn.

Warbaahinta dalka Afghanistan ayaa sheegysa in qaraxyada ay ahaayeen kuwo ismiidaamin ah oo galaaftay nolosha in ka badan 31 qof.

Ku simaha taliyaha booliiska Mohammad Daoud Amin, ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo Ismiidaamin ah.

Waxaa lala beegsaday goob lagu diiwaan galinayay dadka reer Afghanistan gaar ahaan xarunta diiwaan galinta Kaararka Awoonsiga Qaranka.

Kooxda Dowladda Khilaafada Islaamka dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kabul.