Afghanistan: 13 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday Masjidka magaalada Khost

855
Qiiq badan iyo ciidamada Ammaanka Afghanistan oo goobta qaraxa Ku sugan (Xuquuqda Sawirka AP via Aljazeera English)

Wararka laga helayo dalka Afghanistan ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar bambaano ah lala beegsaday masjid Ku magaalada Khost ee dalkaasi Afghanistan.

Ugu yaraan waxaa la sheegay in weerarkaasi lagu dilay in ka badan 13 qof halka ay Ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof, sida saraakiisha hay’adda Ammaanka dalka Afghanistan oo warbaahinta la hadlay ka dib weerarka.

Abdul Mannan, taliyaha booliiska magaalada Khost ee dalkaasi Afghanistan ayaa wakaaladda wararka TOLOnews ayaa sheegay in 13-ka qof ee qaraxa  Ku geeriyootay ay Ku jiraan tiro haween ah.

Weerarka ayaa masjidka lagu qaaday xili dad Wayne ay masjidka gudihiisa ay isugu diiwaan galinayeen doorashada Baarlamaaniga ah ee dalkaasi la filayo ay ka dhacdo.

Masjidka ayaa loo isticmaalay goob is diiwaan galin doorasho taasi oo u muuqata in looga fogaanayay in weerar lagu soo qaado taasi oo markii dambe qabsatay.

Ilaa iyo hadda majiro cid sheegtay mas’uuliyadda weerarka hase ahaatee waxaa horay weeraro dalkaasi ka dhacay sheegtay kooxaha Taliban iyo Daacish.

Bilowgii bishan ayay ahayd markii ugu yaraan 63 qof halka 100 kalena lagu dhaawacay ka dib weerar bambaano ah oo ka dhacay gobalka Baghlan ee dalkaasi Afghanistan.