Afgambiga Myanmar: Booliiska oo laayay dibadbaxayaal aad u tiro badan

722
Afgambiga Myanmar: Booliiska oo laayay dibadbaxayaal aad u tiro badan. BBC

Booliiska dalka Myanmar ayaa rasaas nool nool ku riday dibadbaxayaasha dalbanaya in la soo celiyo dowladda Dimuqraadiga ah ,taas oo keentay dhimashada 18 ruux, sida uu sheegay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Waa dhimashadii ugu tirada badneed ee la  diiwaangaliyo  tan iyo bilaabashadii dibadbaxyada looga soo hoejeedo afgambiga.Dhimashada ayaa laga soo wariyay dhawr magaalo oo ku yaalla dalka Myanmar oo kala ah Yangon, Dawei , Mandalay iyada oo la sheegay in Booliisku adeegsaday rasaas nool nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Ciidamada amniga ayaa sabtigii bilaabay hawgalka xoogga ee ka dhanka ah dibadbaxayaasha diiddan la wareegitaanka ciidanka ee kowda bisha Febraayo ee sanadkaan.

Hoggaanka dowladda oo ay ku jirto Aung San Suu Kyi ayaa la afgambiyay kaddib la xiray markii ciidanka dalkaas ay talada la wareegeen.

Ciidanka talada xoogga kula wareegay dalka Myanmar ayaa isku dayaya inay si xoog ku burburiyaan dibadbaxyada looga soo horjeedo talada ay la wareegeen.

Hoggaanka ciidamada ayaa dhegaha ka fureystay baaqyada caalamiga ee loo jeediyo kuwaas oo ku addan inay xukunka rayidka ku celiyaan , waxaana ay ciidanku u muuqdaan kuwa doonaya in dalkaas dib loogu celiyo gacan ciidan.

Dalka Myanmar oo sidoo kale lagu magacaabo Burma ayaa sannadkii 2010 waxaa  la dabciyay xukunkii ciidanka, iyada oo sanadkii 2015 la qabtay doorashadii ugu horreysay oo dimuqraadi ah taas oo xukunka keentay hoggaamiyihi dimuqraadiga Aung San Suu Kyi .

Sanadkii 2017 maleyshiyaad heysta diinta Budiiistaha iyo ciidanka dalka Myanmar ayaa weerar ku qaaday  Gobolka qowmiyadda Musliinta ee Rohinga, waxaana ay taasi sababtay dilka kumanaan, halka nus malyuunna ay u barakaceen dalka dariska ah ee Bangladesh.