Afar qof oo uu ku jiro guddoomiyihii degmada Kala-baydh oo ku geeriyooday shil gaari

994

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Kala baydh ee Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen dad  ka dib markii uu ka dhacay Shil Gaari.

Afar qof oo uu ku jiro guddoomiyihii magaalada Kala-baydh, Sheekh Cabdilaahi Cismaan, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Gabilay tiro kalena way ku dhaawacantay.

Shilka ayaa yimid sida la sheegay ka dib markii Gaari Xowli ku socday uu ku dhacay Gaariga ay wateen dadkaasi oo ahaa Gaari nuuca raaxadda ah.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa soo gaaray  halkaasi kana qaaday dadkii dhaawacyadda ahaa.