Afar degmo oo Barbaro ku kala baxay

1458

Tartanka dagmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si weyn uga socda magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Koonis Stadium, kulamada Group-ka C ayaa maanta la ciyaaray iyadoo ay kasoo baxeen natiijooyin kala duwan.

 Dagmada Waaberi oo final-ka tiigsaday tartanka ugu dambeeyay ayaa barbaro la dhaafi weysay dhigeeda Hodan inkastoo kooxda Dagmada Hodan ay barbaro la timid qeybahii dambe ciyaarta.

Barbardhacaan wuxuu ahaa midkii sadexaad ee tartankaan madama ay horay barbardhac u galen Boondheere & Kaxda sidoo kale Dharkenley iyo Xamar Weyne.

Dhinaca kale kulankii u dhaxeeyay dagmooyinka Yaaqshiid iyo Daynile ayaa kusoo dhamaaday barbaro 1-1 ayeyna isla dhaafi waayen waxeyna muujineysaa sida aysan kooxaha uu kala awood badneen.