Adeegyo Caafimaad bilaash ah oo lagu maamuusayo Sanad-guurada 1-aad ee Madaxwayne Farmaajo oo laga fuliyay Muqdisho (Sawiro)

1035

Muqdisho Maanta waxaa laga dareemayaa Sanadguuradii Koowaad ee markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku beegneyd Maanta oo kale 8,dii Bishii Sanadkii tegay ee 2017.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Teendhooyin uu ku xardhan yahay Sawirka Madaxweyne Farmaajo,waxana ku sugan tiro kalkaaliyaal ah kuwaas oo dadka u sameynaya Gurmad Caafimaad oo lacag la’aan ah.

Dadka ka faa’iideysanaya howlahaan Caafimaad ayaa safaf dhadheer ugu jira iyaga oo isugu jira kuwa aan lixaad kooda u dhameystirneyn iyo kuwo qaarkood ku jira Xerooyinka Barakac eek u yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda kuwas oo an awoodin lacagihii ay ku yegi lahaayeen Isbitaalada.

Dhanka kale, Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo qaybiyay xoolo nool dabaal-dagga sanad-guurada koowaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xerooyinka iyo furumaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la geeyay Xoolo Nool,kuwaas oo loo qeybiyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Askari walba oo ku sugan xerooyinka Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ayaa waxaa la siinayay Hal Neef oo Ari ah.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinayay iyada oo ciidamada Milateriga Xerooyinkooda Muqdisho ku leeyihiin la geeyay xoolo Nool loona qeybinayo.

Lama shaacin xiliga ay ku ekaan doonto qeybinta Xoolaha Nool ee Ciidamada Milateriga balse waxa uu ku soo aadayaa xili isla Maanta Wadooyinka Muqdisho laga howlgeliyay Teendhooyin dadka danta yar loogu fidinayo Gurmad Caafimaad ee lacag la’aan ah.