
Wararka laga helayo gobalka Bakool ayaa sheegaya in Mukhtar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isu soo dhiibay Dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya.
Abuu Mansuur, ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka ah iyo taliye kuxigeenka NISA.
Gudoomiyaha magaalada Xudur, Maxamed Macallin, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow iyo ciidan la socda ay gaareen magaaladaasi.
Dagaalyahanno daacad u ah Roobow iyo xoogga Al-Shabaab ayaa dhowr goor ku dagaallamay deegaanka Abal, halkaasi oo bilihii dambe uu ku sugnaa mas’uulkan ka tirsanaa ururkaasi.
Bishii Juun ayaa dowladda Maraykanka waxay Mukhtaar Roobow ka saartay liiska madaxda Al-shabaab ee ay lacagta dul dhigtay.
Mukhtaar Roobow ayaa mar ahaa hogaamiyaha labaad ee ugu sareeya ururkaasi, waxaana sidoo kale uu noqday afhayeenka Al-Shabaab.