Wafdi uu ka mid yahay hogaamiye ku xigeenkii hore ee dhaqdhaqaaqa al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
Wafdiga Sheekh Mukhtaar, ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ee Soomaaliya.
Kulankan Baydhabo waxaa uu si gaar ah u dhexmaray Abuu-Mansuur iyo kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi iyo mas’uuliyiin kale,kaasi oo inta badan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa in shacabka laga dulqaado dhibaatada SHabaab.
Waxaa ka horeeyey kulamo ka dhacay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokoolka Bokool, oo dhexmaray maamulka Koonfur Galbeed,Mukhtaar Roobow iyo qeybaha bulshada iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya.
”Kulamad aan kula yeelanay magaalada Xudur maamulka, saraakiisha iyo bulshada qeybeheedi kala duwan waxaa diiradada lagu saarayay sidii shacabka looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan Shabaab,hadafka guud waxaan uga golleenahay in shacabka laga uruuriyo fekrado iyo talooyin waxtar u leh dadka dalka iyo diinta,talooyinkaasi oo markii la soo uruuriyo lagu dhaqaaqidoono” ayuu Roobow u sheegay warbaahinta Ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.
‘’Muddo 2 maalmood ah ayay kulamadan inoo socdeen oo aan wadatashanaynay,waxaan uga mahadnaqaa maamulka iyo bulshada sida wanaagsan oo ay ii soo dhaweeyeen,waxaa inoo qorsheysan in aan booqano gobolo kale oo kamid ah Soomaaliya,anagoo sii wadi doono kulamada wadatashiyada ah oo aan la yeelanayna shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu intaasi ku daray Sheekh Mukhtaar Roobow.
Hadaba kulamad Mukhtaar Roobow uu baydhabo kula yeeshey maamulka Koonfur Galbeed ka sokow,Waxaa lagu wadaa in Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur uu dhowrka maalmood ee soo socota kusugnaan doono magaalada Baydhabo,halkaasi oo kulamo uu kula yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.