R/Wasaare Kheyre oo dalka dib ugu soo laabtay

916

Muqdisho (UM) – Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shir ku babsanaa arrimaha amniga Soomaaliya  uga qeyb galeen magaalada Brussels ee dalka Biljimka.

Shirkaan oo ay ka qeyb geleen qaar ka mid ah madaxda dowladaha iyo Hey’adaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hannaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo ka mi ah masuuliyiintii Ra’iisal wasaaraha ku wehliyay safarka ee shirka ka qeyb-galay ayaa  sheegay in shirka lagu gorfeeyya guud ahaan hannaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray dhismaha Ciidanka difaaca dalka iyo sida ay ula wareegi lahayeen amniga dalka.