Nigeria: 4 ruux oo lagu dilay weerar Ismiidaamin ah oo Majid lagu qaaday

876

Wararka ka imanaya dalkaasi Nigeria ayaa sheegaya in dad isa soo miidaamiyay ay ugu yaraan 4 qof ku dileen, dad bandanna ay ku dhaweceen Misaajid ku yaalla Waqooyi bari magaalada Bama ee gobolka Borno.

Saraakisha hay’adaha  gurmadka deg degga ah  ee dalka Nigeria, ayaa warbaahinta u sheegay maanta oo Axad ah in laba dhalinyaro oo rag iyo dumar isugu jira islamarkaana  isa soo midamiyay ay masjid gudaha u galeen ka dibna ay isku qarxiyeen.

Dadka isa soo miidaamiyay ayaa waxaa la sheegayaa inay is qarxintooda kusoo beegeen xilli lagu guda jiray gudashada waajibaadka  salaadda subax.

Dhaawacyada ayaa waxaa loo qaaday cisbitaalka guud ee magaalada Maiduguri, oo toddobaatan kiloomitar u jirta magaalada Bama oo ah goobta weerarku ka dhacay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi balse mintidiinta Boko xaram ayaa deegannadaasi ka howlgala.

Dowladdana waxay sheegaysa inay guulo muhiim ah ka gaartay dagaalka ka dhan ah Boko xaraam ee waqooyi bariga dalka balse weli waxay u muuqata in maleshiyaadkan ay weli awood u leyihiin inay weeraro culus qaadan.

Nigeria ayaa la daalaadheceysay  sanadihii aynu soo dhaafnay dhibaatoyin amni darro ah oo is xig xigay, kuwaasi oo uga imaanayay kooxda qaybta ka ah xulafada Dowladda Khilaafada Islaamka ee  dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Maalmihii lasoo dhaafay tiro dad ah ayaa lagu dilay weerar loo maleynayo inay geysteen burcadda xoolaha dhacda ee gobolka waqooyi galbeed ee Zamfara, halka gobolka bartamahana ay xisad ka dex taagantahay beeraleyda iyo xoola dhaqatada.

Weerarkan ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dhowaan Dowladda Nigeria, ay Ku dhawaaqday Guluf militari ee ka dhan ah kooxda Boko Xaram.

Dowladda ayaa horay u sheegtay in kooxdaasi ay u garaaceen qaab lojistik ah hase ahaatee waxaa wali muuqda in kooxdan mayalka adag ay labo jibaareen weerarada ay ka wadaan gobalka Borno, Nigeria iyo waliba dhulka Ku yaala xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Cameron.