Diblamaasiyiinta Safaaradda Imaaraatka ee Muqdisho ayaa la sheegayaa in ciidanka amniga Soomaaliya ee lacagtan qabtay ay u sheegeen in lacagtaa loogu talagalay mushaharka ciidamada Soomaalida ee uu Imaaraatku tababaro.
Hase yeeshee Ciidamada amniga ee dowladda ayaa iyagu lacagta uga shakiyay in loo wado dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in lacagtaasi oo cadadkeeda lagu sheegay 9 malyuun iyo 600 oo kun ay ciidamada NISA la wareegeen, waxaana la sheegay inay taallo xafiiska NISA ee garoonka diyaaradaha.
Dhinaca kale safiirka imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Xamaadi oo ay la hadashay VOA qaybta Soomaaliga ayaa beeniyey in lacagtaasi ay u socotay safaaradda, waxaana uu sheegay in lacagtaasi ay ahayd mid loogu talogalay mushaharaadka ciidanka.
Waxa uu VOA u sheegay in madaxda Soomaalidu aay ogaayeen, sidoo kale waxa uu beeniyey warar sheegaya in horay loogu sii sheegay dawladdiisa inaysan Soomaaliya keenin lacag.
Xiriirka dowladda Soomaliya iyo Imaaraatka ayaa aad u liitay wixi ka danbeeyay go’aankii baarlamaanka federaalka uu Shirkada DP world uga mamnuucay dhamaan heshiisyadi ay Soomaaliya ku gashay.
Source: VOA