Baarlamaanka oo Barri ka shiraya Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari

923

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya  Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa Farriin uu u diray Xildhibaanada  ku caddeeyay in maalinta berri ah Xildhibaanada  golaha shacabka ay u fariisan doonaan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in xildhibaanada Bari Saddex Saac laga rabo xarunta Golaha Shacabka si ay uga doodaan Mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka dibna ay go’aan ka gaaraan.

Waxa uu sidoo kale fariinta ku sheegay in xildhibaan walbo laga doonayo in uu Xarunta golaha shacabka soo xaadiro maalinta barri oo Isniin ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibanada ay soo gaartay fariin qoraaleed lagu ogaysiinayay in bari shir uu jiro.

“Sida uu qabo sharuucda iyo Xeer-hoosaadyada Golaha Shacabka inaan la qaban Karin Ajadande cusub ayadoo baarlamaanka uu ajande hor yaalo. Ma huba barri waxa laga doodi doono laakiin waxaa ay u badan tahay in mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka laga doodi doono” Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sidaa u sheegay warbaahinta magagaalada Muqdisho ka howlgasha.

Hoos ka dhagayso codka Xildhibaan Dalxa