Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray Heshiis maamulka uu la galay Shirkadda Milestone

1503

Golaha Wasiirada Maamulka Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah shir Ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulkaasi.

Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Jubaland ayaa waxaa shir guddoomiyaha madaxweynaha maamulkaasi  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka maanta ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray qodobo kala duwan iyadoo ugu horayn Madaxweynahu uu faah-faahin ka bixiyay xaaladda guud gaar ahaan Siyaasadda iyo ammaanka.

wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha ammaanka, gaar ahaan Ciidamada.

Dhinaca kale  wuxuu madaxwaynaha Jubaland tibaaxay  in xaaladda Siyaasadda iyo ammaanku ay yihiin kuwo caadi ah oo sidii loogu talagalay kusocda.

Axmed Madoobe ayaa  waxaa kale uu  golaha uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay islamarkaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaradaha bah wadaagta la ah.

Sharcigan oo in muddo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabadda ugu weyn 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad  Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka warbixiyay shirar uu kaga soo qayb galay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo loogaga hadlayay arrimaha hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga.

Wasiirka Madaxtooyada  Axmed Abdirahmaan Xasan, ayaa golaha usoo gudbiyay heshiiska shirkada Milestone kaas oo la xiriira samaynta Master Plane-ka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale ee Jubbaland iyo dib u dhiska Adeegyada aas-aaska u ah hormarinta Magaalooyinka.

Heshiiskan ayaa marka ugu horaysa ka dhaqan gali doona Magaalada Kismaayo iyadoo kadibna la gaarsiin doono Magaalooyinka kale ee hoos taga deegaanada maamulka Jubbaland.