Xeer ilaaliyaha guud ee mareykanka ayaa xilka ka qaaday agaasime ku xigeenkii hore ee FBI-da Andrew McCabe laba maalmood uun ka hor inta uusan hawlgab ka noqon xilkaasi.
Andrew McCabe waxa uu aad ugu lug lahaa baaritaanadii ka dhanka ahaa Hillary Clinton ee isticmaalka iimaylkeeda gaarka ah iyada oo gudaneysa waajinbaadkeeda shaqo iyo eedeymo sheegayay in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee waddankaasi Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii.
McCabe waxa uu sheegay in loo bartilmaameedsanayo doorkii uu ku lahaa baaritaanadani iyo dhacdooyinkii uu u soo joogay kaddib markii xilka laga qaaday agaasimihii hore ee FBI-da James Comey.
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa uu bogaadiyay xil ka qaadista agaasime Ku xigeenka FBI-da Maraykanka.
Trump, ayaa Ku tilmaamay xil ka qaafista Sarkaalkan guul u soo hooyatay Dimuqraadiyadda.
Andrew McCabe FIRED, a great day for the hard working men and women of the FBI – A great day for Democracy. Sanctimonious James Comey was his boss and made McCabe look like a choirboy. He knew all about the lies and corruption going on at the highest levels of the FBI!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) March 17, 2018


























