Saalax Cabdi Salaan oo ah la tuhunsanaha Kali ah ka badbaaday kooxdii ka dambaysay weerarkii magaalada Paris ee dalka Faransiiska ka dhacay sanadkii 2015-kii ayaa diiday inuu ka jawaabo eedaha ay Ku soo oogeen xeer-ilaalayaasha dalka Belgium-ka.
Saalax Cabdisalaan, ayaa maxkamad Ku wajahaya dalka Belgium-ka lamana filayo inuu maxkamad kale kaga soo muuqdo dalka Faransiiska ilaa iyo laga gaarayo 2020-ka.
“Aamusnaantayda kama dhigna inaan adinka idin ka baqayo, aamusnaantayda ayaa ah mid i difaacaysa” ayuu yiri Saalax Cabdisalaan.
“Dadka Muslimiinta ah waxaa loo xukumaa si naxriis daro ah, aniga xaaladayda ilahay ayay gacantiisa Ku jirtaa, idin kamana cabsanayo adinka iyo xulafadiina” ayuu intaas Ku daray Saalax Cabdisalaan oo 28 sano jir oo diiday inuu ka jawaabo eedaymaha Ku aadan weeraradii ka dhacay Paris iyo caasimadda dalka Belgium-ka.


























