Madaxweynayaasha Eritereeya iyo Masar oo kulmay

1049

Madaxweynaha Eritereeya Isaias Afwerki ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhigiisa Abdelfitaah Siisii, iyada oo ay xaalada siyaasadeed ee Geeska Afrika ay cirka isku sii shareereeyso.

Labada hoggaamiye oo kulmay maalintii talaadada waxay isla soo qaadeen arrimo xasaasi ah oo ku saabsan gobolka ,muhiimad gooni ah ula leh labada dal.

Muran siyaasadeed ayaa yimid kadib markii Suudaan ay heshiis dib u dib loogu dhisayo Jaziirada Suakin ee ku taalla baddacas la gaartay Turkiga. Sidoo kalena Suudaan waxay siisay Turkiga saldhig baddeed.

Ankara iyo Khartuum ayaa sheegay in heshiiska Jaziiradda uu kordhin doono dalxiiska,isla markaana uu abuurayo bar ay xujeyda u socda Makka sii maraan.

Dhinaca kale, Masar iyo Sucuudiga ayaa si weyn u weeraray heshiiska iyaga oo sheegay in Turkigu rabo dhisidda saldhig Milutari khatar ku ah amniga carbeed, eedeynta Sacuudiga waxa iska diiiday Turkiga iyo Suudaan.

Xiriirka Masar iyo Turkiga ayaa aad u xumaa, tan iyo intii uu dhacay afganbigii talada looga tuuray madaxweyne Maxamed Mursi. Afganbigaas oo Turkiga ay aad uga hortimid.

Xisadaha siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa salka ku haya siyaasado loolama iyo dano is diidan. Masar waxaa walwal ku haya biyaha wabiga niil,iyo arrimo kale oo la xiriira amnigeeda.