Kuuriyada Waqooyi oo aqbashay wada-hadal la xiriira ciyaaraha Olombikada

1556
Getty images.

Waqooyiga Kuuriya ayaa aqbashay in ay ka qayb gasho wada-hadal  heer sare ah oo dhicid doona isbuuca soo socda.Sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan Koonfurta Kuuriya.

Kulanka oo dhici doonaa sagaalka bisha ayaa diirada lagu saari doonaa sidii xal loogu heli ka qayb galka ciyaartoyda waqooyiga Kuuriya ee ciyaaraha jiilaalka oo dhici doona bisha Febraayo.Kulanka waxa uu ka dhici doona aaga dagaalka ka caagan ee u dhaxeeya labada dal.

Huggaamiyaha waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay in dirida wafdi ka socda dalkiisa ay tahay fursad lagu muujiyo midnimida dadka.

Wada-hadalkaan ayaa noqonaya kii ugu heer sarereeyay ee labada Kuuriya ay yeeshaan tani iyo Desember 2015.Mana cadda cida ka qayb gali doonta.

Waxaa muuqanaya shaki badan oo la xiriira qabsoomida kulanka iyada oo xogahaya difaaca Maraykanka uu shaki ka muujiyay.

Labada Kuuriya ayaan laheyn xiriir wanaagsan iyo mid isku socod tanna haddii ay qabsoonto waxay muujinee isku soo dhawaasho labada dal.