Xeer illaaliyaha gaarka ah ee loo saaray baaritaanka kooxdii ololaha Doorashada Trump ee la sheegay inay danbiyada galeen ayaa baaritaan ku haya xog sheegaysa in Lataliyihii hore ee Trump uu kala shaqeenayey dowlada Turkiga afduubida Wadaadka Mucaaridka ah ee Fettullah Gullen.
Jaraa’idka The Wall Street Journal ayaa warbixin uu shaaciyey ku sheegay in Xeer illaaliyaha Robert Mueller uu baaritaan ku wado xog sheegaya in Lataliyihii hore ee Trump dhanka Amniga Gen. Michael Flynn iyo wiilkiisa ay ka shaqeenayeen in Wadaadka Mucaaridka ku ah dowlada Turkiga ee Gullen oo ku nool dalkaasi Maraykanka la afduubi lahaa loona gacan gelin lahaa Xukuumada Turkida.
Michael Flynn iyo Wiilkiisa ayaa la sheegay in dowlada Turkida ay u balan qaady 15 milyan oo dollar.
Lataliyihii hore ee Trump Michael Flynn ayaa isagu horey heshiis wadashaqeyn ugula galay dowlada Turkiga inuu uga ololeeyo Washington kahor intuusan ku biirin kooxda Ololaha ee Trump. Sida sharciga qabo Michael Flynn ayaa ahayd inuu dowlada Maraykanka u sheego shaqada uu u hayey dowlada Turkiga oo uu qariyey kana mid ahayd sababihii uu xilka isaga casilay.
Balse xogtan cusub ee soo baxeysa ee ku aadan in Michael Flynn iyo wiilkiisa ay ka shaqeenayeen in si qarsoodi ah loo qafaalo Fetullah Gulen si loo geeyo magaalada Ankara ayaa ah xog cusub.
Dowlada Turkiga ayaa ku eedaysay Wadaadka Fetullah Gullen inuu ka danbeeyey Inqilaabkii fashilay ee ka dhacay dalkaasi Sanadkii tagay, wadaadkaasi ayaa degenaansho kuleh dalka Maraykanka. Tayyib Erdogan ayaa horey uga codsaday dowlada Maraykanka inay usoo gacan geshaan wadaadkaasi, balse dowladii hore ee Barack Obama ayaa ka gaabsatay codsiga Erdogan.
Qareenka u dooda Michael Flynn ayaa markii ugu horeysay beeniyey Xogta lagu daabacay jariirada The Wall Street Journal jimcihii shalay.
Xeer illaaliyaha Robert Mueller ayaa weli baaritaan ku wada xubno uu kamid yahay Michael Flynn oo ka tirsanaa kooxdii Trump gacanta kusiisay ololihiisii doorashada kuwaasi oo intooda badan lagu heysto danbiyo ay kamid yihiin xiriiro hoose oo ay la lahaayeen dowlado shisheeye iyo musuq maasuq maaliyadeed, maadaama ay qariyeen lacagihii ay ka helayeen dalalkaasi shisheeye sida Ruushka & Turkiga.
Xogta: Horseed