Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFS oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

901

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda ee UK ee Soomaaliya Ms Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo safiirada UK Kate Foster ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bani’aadminimada.

Kulanka Safiirka UK ay la qaadatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo shalay wakiilada Beesha Caalamka ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Farmaajo si ay ugu gudbiyaan walaacooda ku saabsan mudda kordhinta 2 sanno oo uu ku darsaday.