Muqdisho – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyey Sharci Gaar ah ee Jiheynta Doorashooyinka Heer Federaal kaddib dood dheer oo ay ka yeesheen mooshin ku saabsan arrintaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa ku xigeenka ayaa shir guddoominyay.
149 mudane ayaa u cod gacan taag ah ugu coddeeyay xeerkaan cusub ee faraya in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ay muddo labo sano gudahood ah dalka Doorasho qof iyo cod ah ama qaarsoodi ah uga qabtaan.
” Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxaa awood loo siiyey qabashada doorasho toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan muddo aan ka badneyn labo (2) sano oo ka bilaabata marka Madaxweynuhu saxiixo sharcigan”. Ayuu dhigayaa xeerka Jiheynta Doorashooyinka Heer Federaal ee Baarlamaanka Federaalka meelmariyay maanta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isla wax yar kaddib soo saaray dhambaal uu ku bogaadiyey tallaabada Baarlamaanka taasi oo la sheegay in Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay hawshaan la socdeen.
Xeerkaan cusub ee 2 sanno dalka doorasho uu ku aadayo ee Baarlamaanku ansixiyay ayaa ka dhigan muddo kordhin 2 sanno ah oo loo sameeyay Hey’adda Dastuuriga ah ee ah, sida Xukuumadda iyo Baarlamaanka in ay shaqadooda sidii caadiga ahayd u waddan doonaan.
Beesha Caalamka iyo dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee dhanka dhaqaalaha ka taageeraa ayaan la ogayn jawaabta iyo falcelinta ay ka bixin doonaan tallaabada Baarlamaanka.